Hargeysa(Halsan):-Waxa shalay galinkii danbe duledka magaalada burco gaar ahaana degmada qoyta oo qiyaas ahaan 18KM u jirta magaalada burco ka dhacay shil baabuur oo aad u naxdin badan oo ay ku naf waayeen alle haw naxariistee todoba ruux.
Waxaana todobadaa ruux alla haw naxariistee maydkoodu yaala cusbitaalka way nee magaalada burco.
Waxaana todobadan ruux eek u naf waayay shilka baabuur ay magacyadoodu kala ahaayeen sidan tan.
1)Maxamed Saalax Buur
2)Kawsar Faysal Cabdi
3)Ayaanle Dhuux
4)Cabdishakuur Maxamed
5)Kayse Imaaciil Maxamed
6)Sharmaake Cismaan Axmed oo ahaa wariye ka haw gala magaalada burco ahaana wakiilkii telefeeshinka SBCTV u joogay magaalada burco.
7) Iyo marxuunka todobaad oo magaciisa lagu soo gaabiyay Aadan
Waxaana shilkaasi baabuur ka badbaaday gabadh yar oo jirtay todoba bilood oo ay dhashay marxuumad Kawsar Faysal Cabdi .
Alle haw naxariisto dhamantood.