MAGACYADA REERUHU WAXAY NOQDEEN DHUFAYSYO AY KU GABBADAAN MAAL- QABEEN MACAASH RAADISA, SIYAASI MANSAB RABA IYO MADAX-DHAQAMEEDYO AAN WAXBA XEERINAYN. ABWAAN WEEDHSAME

0
626

NINKA AAN WAXA JOOGA GARANI WAXA SOO SOCDANA MA GARTO.

Abwaan Xasan Daahir Weedhsame ayaa si cilmaysay uga hadaly aafada qabiilka iyo cida ku shaqaysata sidoo kale wuxu ka hadalay xisbiyada siyaasda Somaliland oo uu ku tilmaamay qabiilkii oo maldahan hadaba marki barta uu ku leeyahay facebookga usoo dhigay qoraal kooban oo uu arimahaa kaga hadayo wuxu u dhignaa sidan;

“Gedigeenii wuu ambaday walise ma garwaaqsanin inan ka lunnay halkii sahanku inoo soo tusmeeyey. Dhabbada maanta aan qaadnay iyo jidka aan maraynaa waa kii burburka iyo bayhoofka. Dib baan ugu guurnay guryihii dar-xumada iyo daranyadu fadhiday. Kala-qaybsanaantii qabaa’ilka ayaa ka taag weynaatay wada-jirkii iyo is weheshigii. Qabyaaladii iyo naxligii huursanaa ayaa mar qudha hagoogtii laga qaaday. Magacyada reeruhu waxay noqdeen dhufaysyo ay ku gabbadaan Maal- qabeen macaash raadisa, siyaasi mansab raba iyo madax-dhaqameedyo aan waxba xeerinayn. Xisbiyadu waa xulafo-reereed maldahan oo magacii uun laga bedelay. Mid kastana waxa u hal-hays ah ”WAA MARKAYAGII”

Haddaba marka xaal halkaa marayo saw daw maaha inan is weydiino:

  1. Haddii xisbiyadii dib u soo faqdeen xabaalihii qabyaalada, bulshadiina xayndaab ku kala xidhan yahay, lana kala safan yihiin oo nin waliba inaadeerkii xaq iyo baadil kula socdo, 25 sanno waxan loo xiiqsanaa muxuu yahay?
  2. Qabaa’il tartamayaa ma kala gar-qaato isumana garaabo, mana kala xoog bato, waxna kuma heshiin karaane, sida ay nabad ugu wada noolaan karaan ii sheega?

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here