Magaca iyo xog ku saabsan ninkii weerarka ka fuliyey magaalada London oo la shaaciyey+ Sawirro

0
711

Saraakiisha Booliska UK ayaa shaaciyey magaca iyo da’da ninkii ka dambeeyey weerarkii shalay ka dhacay magaalada London ee loo adeegsaday toorey iyo gaadhi  dad la jiidhsiyey.

Magaca ninka fuliyey weerarkan ayey boolisku ku sheegeen Khalid Masood oo 52 jir ahaa, inkastoo aysan illaa hadda shaacin sawirkiisa iyo dalka uu asal ahaan ka soo jeedo.

Ra’iisalwasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in ninkan weerarka ku qaaday aqalka baarlamaanka maalintii Arbacada uu ku dhashay dalka Britain.

Waxay sheegtay in hay’adaha sirdoonka ay horay u baareen arin ku saaban xiriirka uu la leeyahay kooxaha xagjirka ah.

Waxay baarlamaanka u sheegtay inaan horay loo hayn macluumaad sirdoon oo sheegaya in uu doonayey in uu weerar qaado.

Hadal ay u jeedisay aqalka hoose ee baarlamaanka ayay ra’isalwasaare Theresa May ku sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid ka dhan ah dimuquradaiyada, xoriyatul qowlaka iyo xuquuqda aadanaha.

Booliska UK ayaa wada baaritaano, iyagoo xabsiga u taxaabay ilaa iyo 7 qof ka dib weerarkii ka dhacay magaalada London.

Mas’uul ka tirsan booliska la dagaalanka argagixisada Mark Rowley ayaa sheegay in boqolaal ka tirsan booliska la dagaalanka argaagxisada ay weerareen ilaa iyo lix guri oo ku yaalla London iyo Birmingham.

“Wali waxaan aaminsanahay in ninka weerarkan soo qaaday uusan cid ku xirnayn balse uu ka shidaal qaatay argagixisada caalamiga ah”, ayuu yiri Rowley oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada London.

Booliska UK ayaa sheegay in weerarkii Arbacada ka dhacay buundada Westminster iyo bannaanka hore ee baarlamaanka dalkaasi ay u badan tahay inuu xiriir la leeyahay Islaamiyiinta.

Shan qof ayaa dhimatay ugu yaraan 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii qofkaasi weerarka soo qaaday uu gaari marsiiyay dad marayay wadada dhinaceeda, iyo markii dambana uu toorey la dhacay askari boolis ah ka hor inta aanan la toogan.

*** ONLY TO BE USED WITH AGREED RATE *** Pic by Michael Scott/Caters News – (PICTURED: Heavilly armed Counter Terrorism Police Officers have raided a flat on Hagley Road in Birmingham, police are on hightened alert after the terror attack in London on Wednesday which killed 5 people.)