“Madaxweynuhu Wuu Ogyahay In Aan Ahay Wasiirka Maaliyadda,Manaanu Asaasaqin Madaxweynuhu”.Wasiir Zamzam

0
803

Hargaysa:(Halsan):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Zamzam Cabdi Aadan,ayaa markii ugu horaysay Ka hadashay hadal uu todobaadkii hore Madaxweyne Siilaanyo ka sheegay Magaaladda Ceerigaabo,kaas uu ku sheegay Wasiir Zamzam inay tahay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland.
Wasiirka oo qoraal kooban ku baahisay barta Xidhiidhka Bulshadda ee Faceboog-ka,ayaa u dhignaa sida tan: “Madaxweynaha Somaliland wuu ogyahay in aan ahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuiryadda Somaliland, isaga ayaana ii magacaabay. Waan ka xumahay oo aan cambaaraynayaa kuwa ka dhigaya in uu i moodayo Wasiirka Waxbarashada. Wuu caafimaad qabaa, halmaan halmaan hadalka kuma jiro. Muu asaasaqin ee beenta joojiya”. Ayay tidhi Zamzam Cabdi Aadan.