Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Oo Ka Hadlay Hankiisa Siyaasadeed

0
693

Hargeysa(Halsan) :- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in wixii tallo ah ee uu hayo siinayo Madaxweyne Axmed Maxamed  Siilaanyo iyo xisbiyada qaranka, waxaanu tilmaamay inuu Somaliland dhex u yahay islamarkaana aanu dhinac ahayn.

 

Mudane Daahir Rayaale oo hadal ka jeediyay qado sharaf xisbiga Ucid ku maamuusay ayaa yidhi “Run ahaantii waa qado sharafeed, maanta arrin siyaasadeed oo aynu ka hadlaynaa ma jirto sida uu Faysal (Guddoomiyaha xisbiga UCID) sheegay, haddii siyaasad laga hadlayo meesheeda ayaynu kaga hadlaynaa ana Oday Somaliland baan ahayoo horaaban u sheegay. Tallo wixii aan bixin karo, haddaan Madaxweynaha u sheegi karo iyo haddaan xisbiyada u sheegi karaba waan u sheegayaa, laakiin dhinac aan ahay ma jiro.” Ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin

 

Mudane Daahir Rayaale, ayaa intaasi ku daray hadal u muuqda inaanu hogaan dambe isu soo taagi doonin, islamarkaana dib u soo kicinta xisbigii Udub noqon doonto mid dadka kale oo cusubi majaraha u hayaan.

“Waxaan sheegay inuu UDUB soo noqon doono, taana wakhtigeedaan sugaynaa oo aanan anigu musharax ka noqon doonin ee dad cusubi iman doonaan. aad baan idinka mahadnqayaa dhammaan dadka ajiibay inay ka soo qaybgalaan xafladan aniga la igu soo dhaweynayo. ILAAHAYNA waxaan ka rajaynaa Somaliland inay hore u socoto turaan-turana aanay arag, wixii khilaaf ahna laga heshiiyo haddii ALLE idmo, ILAAHAYNA raxmad ha ina siiyo oo ha inaga aqbalo oo sannadkan abaar adag baa ina haysa, ILAAHAY uunbaa inaga saari kara, ALLEOW naga saar baanu leenahay.” Ayuu yidhi Mudane Rayaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here