Madaxweynihii Hore ee Puntland Mr Faroole oo Hadal qiimo leh ka jeediyey Xafladii Xilwareejinta

0
678

Madaxweynihii Hore ee Puntland Mr Faroole oo Hadal qiimo leh ka jeediyey Xafladii Xilwareejinta

 

Garoowe(Halsan):-Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlayay arimo badan oo ku saabsan guud ahaan Soomaalida isaga oo sheegay in shacabku wakhtigan isku furmay ee ay dawladuhu kaliya yihiin kuwo kala xidhan.

Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynihii hore ee Maamulka Garoowe waxa uu ku nuuxnuuxsaday in shacabka Somaliland iyo Kuwa Puntland ay wakhtigan yihiin kuwo aad isugu furan balse ay kaliya xukuumaduhu kala xidhan yihiin ka siyaasiyiin ahaana ay ka shaqeeyaan sidii dadka la isug soo dhawayn lahaa isaga oo aan faahfaahin nooca isku soo dhawaynta uu sheegay.

Khudbadiisan oo uu ka jeediyey xafladdii caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee

 

Maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Dani waxa uu Faroole sidoo kale kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya dhinaca Soomaaliya iyo gaar ahaan Maamulkooda.

“Dadku waa isku darsamay hadda Dawladaha uunbaa kala xidhan Mooyee, oo magaalada Garoowe iyo HARGEYSA waa isku furan tahay, Ganacsiga iyo dadku kolay way isku furan yihiin, Dawladaha Ajanebiga ah waxaan ku leeyahay anaka hanakala jiidanina eh waxaad taraysaan Miiska soo saara dadku hawada arkee”. Ayuu yidhi senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxaanu isaga oo hadalkiisa intaasi ku daray: “Waxaa meesha loo yimid baan is leeyahay niyad sami ayaa halkaa la iskugu yimid, waxaan leeyahay halkaa “Garoowe” waa lagu nafisayaa, adduunka khilaaf siyaasi wuu ka jiraa  laakiin waa la xalliyaa, caqligu ha shaqeeyo, Trump ayaaba lagu dhagay oo isagaa tanaasulay, innaga maxaa inoo diiday inaan isku tanaasulno”.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland waxa uu sheegay in uu dhiirri gelinayo in dib loo bilaabo wada hadalkii u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya waxaanu yidhi: “Waxaan leeyahay dib haloo bilaabo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, midnimada halaga shaqeeyo, dad badan ayaa daneynaya in wadahadalka dib loo bilaabo, Turkey ayaa kaalin wanaagsan qaadaneysa, dadku wwy is dhex galaan Tusaale Garowe iyo Hargeysa. Ajaaniibta waxaan leeyahay anaga hana kala jeedinine waxaad heysaan miiska soo saara, dowladaha carabta ee baqeylada ah ee maalin walbaa ka tuugeyno garoomo noo dhisa, waxaad heysaan miiska soo saara anaga dhinacyada hanoo kala jiidaninee” ayuu Madaxweynihii hore ee Maamulka Soomaaliya haddana ah Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Maamulka Muqdisho Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole oo hadlayay.