Madaxweynihii Hore Ee Hirshabeelle Oo Loo Magacaabay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud Ee IGAD

0
82

Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxweynihii hore ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare u magacaabay ku xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD, ka dib shirka Urur Gobaleedka oo maalinimadii shalay ka furmay dalka Jabuuti.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys oo xaqiijiyay Magacaabistaan ayaa yiri, “Waa guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey Dowladda Federaalka Soomaaliya.”
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa hadalkiisa ku sii daray, “Magacaabistiisa Mudane Waare waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka.”
Madaxweynihii hore ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo hadda loo yaqaan X ayaa ka hadlay magacaabistiisa ee ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD, “Waan aqbalay magacaabistayda ee ku xigeenka xogahayaha fulinta ee Urur gobaleedka IGAD.”

Waare ayaa magacaabistaan ugu mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo qoraalka uu soo dhigay ku yiri, “Waxa aan u mahadcelinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud magacaabistaada, madaxda dalalka IGAD iyo Ismaaciil Cumar Geelle guddoomiyaha IGAD.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here