Madaxweyne Trump oo loo heysto warbixino sir ah oo uu la wadaagay dowlada Ruushka

0
673
Madaxweyne Trump oo loo heysto warbixino sir ah oo uu la wadaagay dowlada Ruushka

 

Madaxweyne Donald Trump ayaa difaacay ‘xaqa uu u leehay’ inuu macluumaad la wadaago Ruushka, ka dib markii uu muran ka dhashay macluumaad sir ah oo la sheegay in madaxweynuhu uu la wadaagay wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka.

Mr Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhiga inuu Sergei Lavrov la wadaagay ”xaqiiqooyin ku saabsan argagaxisnimada iyo badqabka duulimaadyada”. Waxa uuna sheegay inuu doonayay in Ruushka uu gacan ka gaysto la dagaalanka kooxda la magac baxday dowladda Islaamka.

Macluumaadkan ayaa laga helay dal ay saaxiibo yihiin Maraykanka lagamana helin ogolaansho ku aadan in lala wadaago Ruushka, sida uu baahiyay wargayska Washington Post.

Trump ayaa todobaadkii hore Aqalka Cad ku qaabilay Sergei Lavrov. Saraakiisha ayaa diiday wararka warbaahinta laakiin masuul sare oo ka tirsan xisbga Jamhuuriga ee Trump ayaa dalbaday in faahfaahin laga bixiyo arrintan.

Waxaa soo laalaabtay eedaymaha ku saabsan in calaaqaad uu dhexmaray ol’olihii doorashada ee Trump iyo Ruushka, waxayna qayb ka tahay baaritaanno dhawr ah oo la wado.

Laakiin madaxweynaha ayaa eedaymahaas waxba kama jiraan ka soo qaaday isaga oo ku sheegay war been ah hase ahaatee intii uu Trump ku jiray ol’olaha doorashada wuxuu ku celceliyay dhaliil uu u jeediyay Hillary Clinton oo ay isla tartameen taasoo ku saabsanayd sida ay u maaraysay macluumaadka muhiimka ah ee sirta ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here