MADAXWEYNE SOMALILAND AXMED SILAANYO OO GOLAHA WAKIILLADA KU CELIYAY QARAARKII LAGU LAALAY WAREEJINTA HAAMAHA SHIDAALKA.

0
583

Hargeysa(Halsan):-Madaxweynaha Somaliland ayaa aqalka golaha wakiillada dib ugu celiyay go’aankii golahaasi ku laalay wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera.

Golaha ayaa maalmihii la soo dhaafay hor istaagay heshiis xukumaddu waday oo ku saabsan in Kaydka haamaha shidaalka Berbera lagu wareejiyo shirkaddo maxalli ah, kuwaasi oo isku urursaday gacan ku haynta maamulka Haamaha. Waxaa la sheegay in xukumaddu muddo ku siman 25 sanno u saxeexayso shirkaddahan dalka Shidaalka keena inay maamulaan Haamaha lagu kaydiyo shidaalka dalka la keeno.

Wasiirka xidhiidhka goleyaasha ee Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa VOA-da u sheegay in Madaxweynuhu dib ugu celiyay go’aanka goluhu ku laalay in la wareejiyo hay’adda Haamaha, si goluhu dib ugu eego heshiiska.

Xukumadda iyo shirkaddaha Shidaalka ayaa u kulul in Haamahaasi lagu wareejiyo shirkaddaha Shidaalka balse wali bulshada umay sharixin sababta loo wareejinayo iyo danta shirkaddahaasi u hayaan Haamaha.

Golaha wakiillada ayaa ka marag kacay in xukumaddu dayactir fiican ku samaysay Haamaha haatana ay meel wanaagsan marayaan, islamarkaana wareejintoodu u muuqato naas-nuujin loo samaynayo dad gaar ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here