Hargeysa(Halsan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddeeyey in aanay beesha caalamka iyo Qarammada Midoobay ka aqbali doonin in taakulooyinka iyo gargaarka loo soo mariyo dawladda taagta daran ee Soomaaliya.
Madaxweyne Siilaanyo oo xarunta madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda Qarammada Midoobay oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, ahna Isuduwaha Gargaarka Bani’aadanimo Mr. Peter De Clercq shalay, waxa uu u sheegay in wixii taakulo ah ee loogu talogalay Somaliland toos loo siiyo, cid kalena aan loo soo marin.
“Farqi weyn ayaa u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, marka ay joogto arrintu dhinaca caawimada beesha caalamku u geysanayso Somaliland iyo Soomaaliya, mana oggolaan doonno in aannu noqonno kuwo ku tiirsan dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo caawimada loo soo mariyo. Waxaannu doonaynaa oo aannu idiin sheegaynaa in wixii caawimo ah ee aad na taraysaan uu gaar noo ahaado,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Waxa uu intaas ku daray, “Waxa naga go’an in aannu sii wadno wadahadalladii beesha caalamku kor-joogaha ka ahayd ee noo dhexeeyey annaga iyo Soomaaliya, hase ahaatee wadahadalladaasi waxay ka socon la’a yihiin dhinaca Soomaaliya oo marna ka cago jiidaysa, marna tabcaynaysa, taasoo caddayn u ah in aanay daacad ka ahayn habsami-u-socodka wadahadallada go’aanka laga gaadhayo sida uu xidhiidhkayagu noqonayo mustaqbalka. Dawladda Federaalka ah waxay dhowaan ku tallaabsadeen daandaansi ay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo darayaan qorshahooda doorasho ee 2016, taasoo muujinaysa in aanay diyaar u ahayn in wadahadalladii labada dhinac u dhexeeyey ee beesha caalamku dhex dhexaadinaysay sidii loogu talogalay u socdaan, taasina wax aannu aqbalayno maaha.”
Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka, waxaannu yidhi; “Waxaannu muddo aad u gaaban hakinnay diiwaangelintii codbixiyeyaasha, annagoo ku hagaajinnay xeerkayaga arrintaas khuseeya, annagoo uga jeedna in aanay marnaba doorashadu waqtigeedii dib uga dhicin horraanta 2017, waxana naga go’an mar haddii roobabkii da’een in aannu waqtigeedii qabanno doorashada, diiwaangelinta codbixiyeyaashuna sideedii u socoto.”
Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo ayaa weftiga Qarammada Midoobay kala hadlay arrimaha abaaraha ee ka taagan Somaliland, “Abaarta dalka ka taagan waxay saamaysay in ka badan laba boqol oo kun oo qoys (200,000). Waxay noqotay abaartii ugu xumayd ee mandaqadda ka dhacda inta la xasuusan yahay. Annagoo taas ku xisaabtamayna waxa aannu dirnay qaylo-dhaan ku saabsan sidii Beesha Caalamku ugu soo gurman lahayd wax ka qabashada masiibooyinka abaaraha ee dalka ka jira. Dadkayaga ay abaaruhu ku habsadeen waxay u baahan yihiin in la quudiyo, cunto, hoy hagaagsan oo ay galaan iyo wax kasta oo nolosha lagama maarmaan u ah in wax lagala qabto oo ay abaartu keentay. Waxaannu u baahnahay qorshe wax lagaga qabanayo xaaladaha abaarta ee imminka jira iyo sida ay dadku uga soo kaban lahaayeen waxyeelladeeda iyo qorshe waqtiga fog ah oo la nagu kaalmeeyo,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Peter De Clercq oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu u bogay sida dawladda Somaliland ula tacaashay wax-ka-qabashada abaaraha, isagoo caddeeyey in la qaban doono shir ballaadhan oo beesha caalamku kaga hadli doono sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha.
“Waxa naga dhab ah in aannu idin kala qaybgalno hawlaha gurmadka hadda taagan iyo tan ku saabsan abaaraha soo noqnoqonayaba,” ayuu yidhi Mr. Peter, waxaannu xusay inay ka dalbadeen beesha caalamka sidii loo heli lahaa hanti wax lagaga qabto abaaraha Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana qayb hordhac ah oo hantidaas ah ay heleen hadda.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Wakiilka Hay’adda Qarammada Midoobay ee FAO u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Richard Trenchard, kaasoo ammaanay sida ay dawladda Somaliland isugu xidhan tahay degmo, gobol, wasaarad ilaa madaxtooyo, taasoo uu xusay inuu indhihiisa ku arkay markii uu safar laba maalmood qaatay ku tegay degaannada galbeedka Somaliland ee abaaruhu ka dhaceen toddobaadkan, waxaannu Madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyey hoggaamintiisa wanaagsan.
Waxa kaloo warsaxaafadeedka lagu sheegay, in weftiga ka socday Qarammada Midoobay kulan kale la yeesheen madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna Guddoomiyaha Guddida Qaranka ee Gurmadka Abaaraha oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan guddigiisa, kaasoo ka wadahadlay xaaladaha abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa saamaynta ay ku yeesheen dadweynaha.