Hargeisa(Halsan):-Madaxweyne Siilanyo oo ay wehelinayaan Raxan wasiiro ah ayaa safar hore u qorsheynaa ugu baqoolay magaalada Berbera oo sida la sheegay uu joogi doono mudo dhawr cisho ah.
Ujeedada safarka madaxweyne Siilanyo ayaa daaran wadahadalo & Heshiisyo uu la geli doono Ganacsadayaal Carbeed oo si weyn u quudaraynaya inay la wareegaan Gacan-ku haynta & maamulka Dekeda berbera,kuwaas oo uu wado ama horboodaayo wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga u yahay Baashe Cawil X.Cumar
Geesta kalena waxay xogaha berbera naga soo gaadhaya tibaxayaan in ganacsadayaalka Carbeed Iyo baashe Morgan Tan iyo shalay ku sugnaayeen Magaalada Berbera,Ku darsoo waxay ganacsadayaasha carbeed ka soo degeen shalay madaarka berbera halkaas oo diyaarad khaasina u taalo.