Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilka Qaadis iyo Magacaabis Garsoorka Ku Sameeyay iyo Xubno Go’aankii Maxakamadda Sare Ku Saxeexnaa Oo Xilka Laga Qaaday

0
683

Hargeysa(Halsan) -Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa digreeto uu soo saaray xilka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay garsoorka Somaliland, isagoo tilmaamay in garsoorku isbedel u baahan yahay.

Xubnaha Xilka laga qaaday waxaa ku jira laba ka mid ah Afar xubnood oo guddoomiyaha maxakamadda sare la soo saaray go’aankii asxaabta mucaaradka ah loogu ogolaaday shirka wadatashiga ee soo baxay  khamiistii(23-July-2015).

 

Labada garsoore ee ku saxeexnaa go’aankii maxakamadda dastuuriga ah ayaa kala ah Garsoore Yaasiin Xasan Ismaaciil iyo Cabdiraxmaan Madar Carraale. Lama garanayo sababta Madaxweyne Siilaanyo xilligan oo bulshadu ku diirsatay go’aankii wakhtiga kooban kaga soo baxay Maxakamadda oo u muuqday mid si madax banaan oo dastuurka waafaqsan looga shaqeeyay.

Digreetada Madaxweynaha oo dhammaystiran halkan ka dheeho

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3438/072015 xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Garsooreyaasha maxkamada sare.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in loo magacaabo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Khibraddooda iyo waayo-aragnimadooda ay u leeyihiin xirfadda Garsoorenimo;
Markuu Isku Qanciyey: In ay hanan karaan xilka iyo waajibaadka Garsoorenimo;
Wuxuu Go’aansaday:-

  1. In Mudane, Axmed Diiriye Qaalib, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
    2. In Mudane, Cali-shucayb Sh. Ibrahim Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
    3. In Mudane, Maxamed Faarax Siciid, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
    4. In Mudane, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
    5. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Adan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
    6. In Mudane, Cabdiraxmaan Jaamac Hayan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
    7. In Mudane, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
    8. In Mudane, Yaxye Cali Idiriis, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka qaadis

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda;
Markuu Yaqiinsaday: In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;
Wuxuu Go’aansaday laga bilaabo taariikhda maanta
In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yaasiin Xasan Ismaaciil.
In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Axmed Xasan Dirir.
In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Cabdiraxmaan Madar Caraale.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyada JSL