Madaxweyne SIILAANYO Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Tanaasulay Musharax-nimaddiisa Madaxweyne Ee Doorashadda Soo Socota

0
654

Hargaysa(Halsan):-Madaxweynaha JSL,ayaa hadda waxa uu khudbad uu dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinayaan Madasha uu ka socdo Shir-weynaha Gollaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.Waxa uu sheegay inay walligiiba uu si weyn uga soo hor-jeeday Nidaamka Kalli-talis-nimadda ee Dalka soo maray,waxaan uu intaas raaciyay inuu walligiiba uu aaminsanaa in sida kali ah ee ay Bulshaddu cadaalada iyo sinaan ku helaysaa uu yahay Nidaamka Axsaabta badan,waxaana uu intaas raaciyay in markii Xisbiga KULMIYE ay aas-aaseen uu ahaa Xisbi Da’yar oo curdin ah,maantana uu yahay Xisbiga ugu baaladhan ee Somaliland ka jira.Waxa uu sheegay inuu dhex-u-yahay Musharaxiinta u tartamaya Loolanka Xisbiga KULMIYE.
Madaxweyne SIILAANYO,ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tanaasulay Musharax-nimadiisa Madaxweyne-nimo ee uu xaqqa u leeyahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here