Madaxweyne Siilaanyo oo Kolba Mid dhabarka Taabanayaa Biixi Yonis iyo Muj Muse Biixi iyo Xisbigii Kulmiye oo Qarka Usaaran Burburkii Udub oo kale…

0
656

Baryahanba Waxa wadanka aad looga hadal yahay isla markaana aad looga dareemay dhaqdhaqaaqa xoogan iyo guuxa hoose ee xisbiga Kulmiye gudihiisa waxaa la arkaayay muj Muse Bixi oo olole balaadhan kula dhexjira beelaha daga Somaliland iyo waliba Maxamed Bixi Yonis oo dhinaciisa kaga jira ololaha dal iyo dibad ba waxa maanta magaalada caasimada Hargeisa  kala xidhay soo dhawayntii wasiirka arimaha dibada oo lasoo bandhigay waraaqo cadaynaya inuu yahay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye gudihiisa, Horena waxaa isagana loo botorinayay Muj. Muse Bixi oo isaguna muddo badan ucumaamadnaa inuu noqdo musharaxa madaxweynaha xisbiga Kulmiye.

Hadaba dooda maanta aan qabaa waxay tahay ee aan la wadaagayo aqristayaasha karaamada iyo qadarinta leh arinku ma dimuquraadiyad dhaba oo xisbigii Kulmiye ka dhex bilaabantayba mise arinku sidaa waa ka duwanyahay oo waxa uu noqon kara sidii sheekhii sadexda dumara qabay ee ay wadiiyeen maalin intay usoo tashadeen iyagoo wada jooga ta uu ugu jecelyahay inuu cadeeyo  maanta madaama oo uu waligiiba kolba ta uu lajoogo ku odhanjiray adigan kuu jeclay dumarka. Sheekhii talo ayaa ku cadaatay lakiin markiiba waxa uu keenay qorshe uu kaga bad baado shirqoolkooda waxaanu ka codsaday inu sii jeestaan dibna ayna usoo eegin isla markaana uu taaban doono ta uu ugu jecel yahay oo kaliya walibana aanay cid u sheegin marka uu taabto sidii ayuu Sheekhii mid walba u taabtay sidii ayaanay mid waliba u mooday in iyada oo kaliya la jecel yahay.

Doodayda kalana waxay tahay geela waxaa lagu daraa Awr Baarqaba isagaa aya geela gadhwadeen ka noqda oo kaliya awrta kale waxna xerada ayuu dibada uga eryaa waxna Raray aya laga dhigaa si marka reerku u baahdo loo rarto kuwa kale ee yaryar waxa laga yaaba inuu qaarkood Baarqabku dhalay hadaba nidaam ayuu u sameeya baarqabku waxaana uu ka dhexsaara geela marka uu daaqayo baal fog ayay ka daaqaan marka  geela laduubayana xaga danbe ayay ka socdaan habeenkii marka xerada geelu galana dibada ayay dhaxantu ku dishaa oo fooda masoo galin karaan awrtaa kale hadaba marka Awrku gaboobo way yaqaanan ee uu talax gabo kama baqaan oo xerada ayay soo galan waliba marka danbe geela ayay ka qaadaan Baarqabkii oo dibada ayuu seexda ninba waa mare mus makula koray sidaa aya awrkii baarqabka ahaa lagaga saara hawada hadaba arinku ma Madaxweynihii ayaa talax gabay oo waa kuwan dhamaan masuuliyiintii Kulmiye wada doonaya musharaxnimada iyadoo uu xaaji Ahmed Joogo oo uu xaadir yahay mid  walibana sheegayo inuu isagu yahay musharaxa Xisbiga in hadashay in goordhaw hadli doonta,

Sikastaba ha ahaatee waxaa meesha aanka maqnayn in xisbiga hadii uu sidan ku sii socdo uu mari doono dhabadii uu hore u maray xisbil xaakim hore ee Udub oo markii laysu tanaasuli waayay dan la mooday in la burburiyo oo hawada laga saaro….

Allaah Mahad iska leh

Abdiqani Salaf ( Kaptanka)