MADAXWEYNE SIILAANYO OO GURIGIISA KU BOOQDAY XILDHIBAAN XAAJI CABDI WARAABE OO XAALAD CAAFIMAAD U JIIFA

0
606

Hargeysa (Halsan):-Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Wasiiro xukuumadiisa ka tirsan oo uu hogaaminayo ayaa saaka gurigiisa ku Booqday Odeyga Somaliland Xaaji Cabdikaarim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo mudooyinkii u dambeeyay Gurigiisa u jiifay Xaalad Caafimaad Daro.

 

Madaxwayne Siilaanyo Waxaa uu Xaajiga ILAAHAY uga baryay inuu usoo celiyo caafimaadkiisa isagoo u balanqaaday in si degdega loogu qaado dalka dibadiisa islamarkaana loogu soo daweeyo Xildhibaanka.

 

Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe oo madaxwaynaha la hadlay waxaa uu ku amaanay sida wanaagsan ee uu dalka ku hogaaminayo Mudane Siilaanyo isagoo ku dardaaray inuu ogaado qaybaha kala duwan ee Bulshada islamarkaana uu dhexmaro umada uu madaxwaynaha u yahay.

Gabagabadii wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in madaxwayne Siilaanyo uu diyaar u yahay sidii loola tacaali lahaa xaalada Caafimaad ee Xaaji Cabdikaariim Xuseen Yuusuf.

Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo kamida Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland waxaa uu suntahay nabad iyo wada noolaanshaha bulshada Somaliland isagoo kaalin mugleh ka qaaday Nabadeyntii dalka islamarkaana ku caan baxay xalinta khilaafaadka siyaasiyiinta Somaliland.

kk4 kk-3 kk-3 (1)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here