Madaxweyne La doortay Mudane Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Nooca Xukuumadda Uu Soo Dhisayo, Balana Ku Qaaday Inuu Xididada U Siibayo Musuqmaasuqa
Hargeisa( Halsan): -Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inuu suulin doono musuqmaasuqa dalka ka jira isla markaana uu soo celin doono kalsoonida shacabka.
Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu Golaha Wasiirrada ee uu magacaabayo ku xulan doono aqoon,waayo-aragnimo iyo karti.
Madaxweynaha la doortay wuxuu sidaas ku sheegay maqaal dheer oo uu Salaasadii ku qoray Wargeyska caanka ah ee Financial Times, waxaana qormadan ciwaan looga dhigay “Caqabadaha Somaliland ay waajahaysaa maaha dhalanteed.”
Warbixintan oo aad u xiiso badan waxaa soo turjumay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan, Cumar Maxamed Faarax, waxaanu ka diyaariyay warkan:- “Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi oo ka hadlayay dimuqraadiyada iyo doorashadii Somaliland, waxa uu yidhi; “Toddobaadkii hore Guddida doorashooyinka madax-bannaan ee Somaliland waxay ku dhawaaqeen natiijadii doorashadii madaxtooyada ee waddanka ka qabsoontay 13kii November.
Waxay ahayd doorashadii lixaad ee xidhiidh uga qabsoontay Somaliland, illaa 2003-dii, dadweynaha Somaliland waxay ka qaybgaleen nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinkii nabadgelyada u qabsoomay, kuwaasi oo 60 goobjooge oo caalami ahi caddeeyeen inay u dhacday si xor ah oo xalaal ah oo ay aqbaleen natiijadii doorashada saddexdii xisbi ee murrashaxiintoodu tartanka galeen.”
Waxa kaloo uu intaas ku daray in diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee Somaliland adeegsatay farsamada isha bu’deeda la sawirayo ee loo yaqaanno (iris-recognition technology) uu caddaynayo sida Somaliland ay uga go’an tahay inay jeebadeeda ka maalgeliso hay’adaha dimuqraadiyada iyo isku-xukunka sharciga.
Muuse Biixi waxa uu sheegay inay sharaf u tahay isaga in ummadda reer Somaliland u doorteen madaxweynahooda shanta sannadood ee soo socda. “Waxaa ii sharaf ah in dadka reer Somaliland ii xusheen madaxweynahooda. kooxdayda xiliga kala-guurku waxay bilaabeen shaqo adag oo ay ku diyaarinayaan xaflada caleemo-saarka ee bisha fooda innagu soo haysa qabsoomaysa,”ayuu yidhi madaxweynaha la doortay.
Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyay in xasilooni darrada ay kooxda Alshabaab gayaysiisay meelaha ka baxsan xadka koonfureed ee Somaliland la wadaagto Soomaaliya iyo facaa’ilka budhcad badeedu ka wadaan xeebuhu, ay Somaliland ku kalifeen inay si adag ula socoto oo ay taageerto dedaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo
kooxahaas.“Maamulkayaga waxa ka go’an inaanu kharash gelino amaanka, si aanu u ilaalino shacabkayaga iyo dadka ajaanibka ah ee degan ama ka ganacsada dalkayaga,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxweyne Biixi waxa uu tilmaamay in caqabadaha dhaqaale ee jiraa ay Somaliland ka dhigeen dalka ugu hooseeya [GDP] wax-soo-saarka gudaha (Gross Domestic Product). Waxaannu intaas ku daray in shaqo la’aantuna marayso heer aad u sareeya, gaar ahaan dhallinyarada, iyadoo Boqolkiiba Toddobaatan bulshada reer Somaliland ay da’doodu ka hooseyso 30 jir.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku dooday inuu maalgelin doono kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland, isla markaana uu abuuri doono fursado shaqo, waxaannu yidhi “Waxaannu rajaynaynaa horumarinta waddooyinka, korontada, dekedihii hore u jiray iyo dekeddo cusub oo laga hirgeliyo xeebtayada dhererkeedu yahay 850km ay suurtogelin doonto koboc iyo isku-dheelitirka dhaqaalahayaga.”
“Maamulkaygu wuxuu ku qalabayn doonaa wasaaradda caafimaadka imkaaniyaadka aasaasiga ah, si hoos loogu dhigo heerka dhimashada caruurta. Waxa kaloo aanu ka shaqeynaynaa sidii biyo nadiif ah loogu heli lahaa degaannada miyiga ah,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Mar uu ka hadlayay dhinaca waxbarashada, waxaa uu iftiimiyay in waxbarashada la helaa ay hooseyso Somaliland, taasi oo ay kala mid tahay dalalka kale ee mandaqada. Waxa uu carabaabay inay dhiirigelinayaan xoojinta heerta tacliinta sare oo ay samayn doonaan dib u hayn. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku ladhay in hagaajinayaan tayada waxbarashada dugsiyada hoose iyo sare.
Madaxweyne Muuse waxa uu xusay in maalgashigii DP World ay $442 Milyan gelinayso marsadda Berbera ay tahay mid muhiim u ah dedaalka Somaliland ugu jirto inay dekedda ka dhigto xuddunta ganacsiga Geeska Afrika.
“Waxaanu horumarinay ganacsiga aanu la wadaagno dalka isu-tagga Imaaraadka carabta iyo Itoobiya oo aanu sii ballaadhinayno shanta sannadood ee soo socda,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawladiisu sii wadayso dedaalka ictiraaf raadinta Somaliland oo uu samayn doono inuu ku xoojiyo qorsheyaal mucayin ah oo ay ka mid tahay inay dalalka la yeeshaan cilaaqaad ku dhisan laba dhinac.
Madaxweyneynuhu wuxuu amaanay madaxweynaha uu xilka kala wareegayo ee Axmed Siilaanyo oo uu sheegay inuu isku hawlay amaanka qaranka iyo maalgelinta Somaliland, waxaanu Biixi ku yidhi qoraalkiisa “Waxa aan bogaadinayaa madaxweynihii xilka iga horreeyey, mudane Amed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo si weyn u muujiyey sida ay uga go’anayd adkaynta amniga qaranka, fidinta joogitaanka Somaliland ay dunida ku leedahay iyo maalgelinta guriyeynta iyo kaabayaasha, Laakiin waxa aanu xogogaal u nahay meelaha ay xukuumadda ka gaabisay toddobadii sano ee la soo dhaafay. Gaar ahaan musuqmaasuqa oo aad uga jira Somaliland, Fursaddanna waxa aanu uga faa’idaysan doonnaa in aanu xididdada u siibno, dibna aanu u dhisno dawladnimo u adeegta danaha muwaadiniinta oo dhan. Waxaa ka mid ah in aanu soo magacowno gole wasiirro oo lagu soo doorto mabda’ ah aqoon iyo karti. “
Isagoo ka sii hadlaya golihiisa wasiirada wuxuu yidhi “Waxa aan maamuli doonaa gole wasiirro ah oo kartidoodu aad u sarrayso, kuna xeeldheer shaqada loo igmaday. Annaga oo sida oo kale aad u tixgelinaya isu-dheellitirnaanta ragga iyo dumarka iyo in dadka Somalilandna ay sidii hore si ka badan uga wada dhex muuqdaan.”
Ugu dambayn wuxuu madaxweynaha la doortay sheegtay in bulshada dooratay badankeeda ay dishootay abaar baahsan oo dalka saamaysay taas oo xataa sababtay in doorashadu dib u dhacdo. , waxaanu ku soo gunaanaday qoraalkisia “Waxa naga go’an in aanu rumayno kalsoonida ay Somaliland na siisay, annaga oo rajaynayna in aanu ka soo ka gudubno caqabadaha ka sokeeye hammiga ay dadka na doortay na saareen.” sidaas ayuu yidhi madaxweynaha la doortay.