Madaxweyne Gaas oo uu gudbay Koonfurta Gaalkacyo kana soo quraacday+ Sawirro

0
651

Gaalkacyo(Halsan):-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa maanta u tallaabay Koofurta Gaalkacyo, halkaasoo lagu casuumay quraac sharafeed, isagoo qoorta loo suray ubax, waxayna ku kulmeen Madaxweynaha Galmudug.
Hotelka Five Star ee Koonfurta Gaalkacyo oo kulankaan ka dhacay ayaa wuxuu ku balan qaaday C/weli Gaas in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ay horseed ka noqonayaan Nabadda Gaalkacyo iyo wada noolaanshaha labada shacab.
Waxaa kulankaas ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Guddiyada labada dhinac ee qeybta ka ahaa wada hadalada.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Madaxweyne C/wali gaas uu u soo tallaabo dhinaca Koofurta Gaalkacyo, isagana uu isla maanta tagi doono qeybta kale.
“Waxaa aad uga faraxsanahay in walaalkeey C/wali Gaas inuu iga soo hormaray oo uu isaga bilaabay is dhex galka, isagoo u soo tallaabay halkan, anigana inaan isla maanta dhinaca kale tagi doono ayaa rajeynayaa, waxaa halkaan ka cadeyneynaa inaan colaad jirin, waxaana socdaal nabadeed ku mareynaa labada dhinac”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.
Madaxweynaha Puntland C/wali gaas ayaa sheegay in colaadii Gaalkacyo ay aheyd mid aan ku tala gal aheyn, aadna uga xun yihiin, isagoo xusay in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ay hormuud ka noqonayaan Nabadda, isla markaana dadka la tuso wada jirka iyo dariiqa wanaagsan ee nolosha.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo gaba gabadii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in maanta la guda geli doono inta ka harsan ciidamada in la kala qaado, lana abuuro kalsooni, waxaana uu intaa ku daray in guddiyada labada dhinac ay bilaabayaan wada hadalada.
Waxaa uu sheegay inuu howshii ay qabteen ee dadaalada nabadeed ay mira-dhashay, isla markaana inta ka hartay ay rajeynayaan in Madaxda labada dhinac sii dhameystiraan sida uu yiri.
Waa kulankii afaraad oo ay yeeshaan Madaxda Puntland iyo Galmudug, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha uu ku guuleystay in labada dhinac waan waan ka dhex bilaabo, isla markaana ku qanciyo inay heshiis gaaraan.
gaas-guuleed-galkacyo-1

gaas-guuleed-galkacyo-3

gaas-guuleed-galkacyo-4

gaas-guuleed-galkacyo-5

gaas-guuleed-galkacyo-6

gaas-guuleed-galkacyo-7