Madaxweyne FARMAAJO oo Gaadhey Asmara

0
512

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

 

Garoonka diyaaradaha Asmara International Airport ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socday waxaa si heersare ah ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki, waxaana loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah ku yeelan doona Xarunta Madaxtooyadda, iyadoo labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan horumarka xiriirka labada dal, arrimaha gobolka.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Eritrea ayaa ku soo aaday, iyadoo dalka deriska la ah ee Jabuuti uu isna maanta tagay Ra’iisul Wasaarihiisa hore Xasan Cali Kheyre oo la filayo inuu ka mid noqon doono ragga uu loolanka adag kala kulmi doono Tartanka Madaxtinimada Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay Magaalada Jubba uga qeyb galay munaasabadda heshiiskii nabadeed ee u dhaxeeyay Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here