Madaxweyne Erdogan oo Weerar afka ah ku qaaday Wadamada Reer Galbeedka

0
641

Madaxweyne Erdogan oo Weerar afka ah ku qaaday Wadamada Reer Galbeedka

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Wadamada Reer Galbeedka Qaarkood uu sheegay in ay yihiin kuwa munaafiqiin ah, xili manta la xusayay sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegtay afgambigii fashilmay ee ka dhacay Turkiga.

Maqaal uu Wargeys ku qoray Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa ku eedeeyay Wadamada Reer Galbeedka in ay yihiin kuwa hoosta ka jiran, waxa uuna tilmaamay in wax mar marsiiyo ah heysan Wadamada saaxiibka la ah Turkiga ee sugay inta ay ka kala caddaanayso xaaladda isku-daygii afgembi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Wadamada Reer Galbeedka qaarkood ay magan galyo siiyeen xulafada Fethullah Gulen oo ah Wadaad ay dowlada Turkiga ku tuhmeyso in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii fashilmay ee ka dhacay Turkiga sanad kahor.

Waxa uu beeniyay meeshana ka saaray eedeyn wadamada Reer Galbeedka iyo Hay’adaha xuquuqda aadanaha oo dowlada Turkiga ay ku eedeeyay in gacan adag oo bir ah dowlada ku qabatay dad lagu tuhmayay in ay ku lug lahaayeen afgambigii fashilmay.

Dalka Turkiga sanad kahor waxaa ka dhacay afgambi fashilmay oo ay maleegeen Milatariga dalkaasi, waxaana xiligaasi waxii ka dambeeyay xabsiyada Turkiga laga buuxiyay dad badan oo lagu tuhmayay in afgambiga wax ka maleegeen ama taaaeereen halka kuwa kalana shaqooyinka dowlada laga eryay.