Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa weerar dhinaca afka ah waxa uu ku qaaday Dowlada Jarmalka xili mudooyinkii ugu dambeeyay sii xumaanayay xariirka ka dhaxeeyay labadaasi Dowladood.
Recep Tayyip Erdogan ayaa ku sifeeyay Madaxda hogaamisa dowlada Jarmalka in ay lamid yihiin Nazi-yiinta, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay sida ay xiligan u dhaqmayaan Madaxda hogaamisa Jarmalka.
Madaxweynaha Turkiga ayaa hadalkan ka dhawaajiyay kadib markii maamulka Jermalku ay baajiyeen isu soo bax loogu talagalay in taageero lagaga raadinayo dadka asal ahaan Turkiga ka soo jeeda ee Jermalka ku nool ee codka ka dhiiban doona afti muhiim ah oo la qaban doono.
”Sida ay hada u dhaqmayaan Madaxda iyo saraakiisha hogaamisa dowlada Jarmalka waxba kama duwana kuwii Nazi-ga ee hore” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Erdogan.
Wasiirka caddaaladda ee dalka Jarmalka Heiko Maas oo u jawaabay Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in ay ka xun yihiin hadalka Erdogan , Wasiirka ayaana hadalka Madaxweynaha Turkiga aku tilmaamay mid foolxun oo laga xishoodo
Dalka Jarmalka waxaa kunool dad lagu qiyaasay 1.4 milyan oo ruux oo Turkiga u dhashay, waxa ayna dadkaasi isku diyaarinayaan in ay codeeyaan aftida bisha afaraad dhacaysa oo lagu doonayo in awood dheeraad ah la siiyo Madaxweyne Erdogan.