Madaxweyne Donald Trump oo Eedeyn aan caadi aheyn u jeediyay Brack Obama

0
673

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweybihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu ku eedeeyay in uu dhageesan jiray telfoonkiisa markii uu aqalka cad joogay.

Donald Trump ayaa bartiisa Twitterka saakay oo sabti ah kusoo qoray in Barack Obama uu telfoonkiisa dhageysan jiray markii uu ku sugnaa daartiisa Trump Tower ee magaalada New York sanadkii 2016-kii.

Waxa uu sheegay Trump in wax laga xumaado ay tahay in uu Brack Obama dhageysan jiray telfoonkiisa, waxa uuna tilmamay Trump in xiliga u telfoonkiisa la dhageysanayay uu ku jiray ololhiisa doorashada.

Madaxweyne Trump ayaa ku tilmamaay Brack Obama nin xun oo jiran ,waxa uuna xusay in uu dalbanayo in uu helo sharci yaqaano wax kaqabta dhacdadan foosha xun ee lagu sameeyay sanadkii 2016-kii.