Madaxweyne dal Afrikaan ah soo maamulayey ku dhowaad afartan sano oo xilka ka degaya + sawirro

0
715

Wadanka Angola maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud ee dalkaasi, iyadoo dadka Codbixiyeyaasha ah ay dooranayaan shakhsigii badali lahaa Madaxweyne Jose Eduardo Dos Santos oo hadda xilka isaga dagaya ka dib 38 sano oo uu dalkaasi soo xukumayay.

Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda hadda jirta Joao Lourenco ayaa la saadaalinayaa inuu si weyn ugu guuleysan doono doorashadan.

Balse Madaxweyne Dos Santos ayaa wali sii maamuli doono xisbiga MPLA, waxaana xubnaha qoyskiisa ay hayaan xilal aad muhiim u ah.

Lourenco ayaa beeniyay inuu noqonayo madaxweyne maqaar saar ah haddii uu xilkaasi ku guuleysto.

Shaqo la’aanta ka jirta dalka ayaa ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee hareeyay doorashadan.

Musharaxa xisbiga ugu weyn mucaaradka ee UNITA, ayaa ah Isaias Henrique Ngola Samakuva.

Doorashadan ayaa dadka reer Angola waxay ku soo dooran doonaan qofka noqonaya madaxweynaha dalka iyo xisbiga ay tahay in uu dalka xukumo.

Isaias Samakuva, Unita-Wahlplakat im August 2012

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here