Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Safar aan hore loo qorshayn ugu baxaya Gobolka Sanaag

0
710

Hargeysa(Halsan) Warar aanu ka helnay ilo ku agdhow aqalka madaxtooyada  ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo 48ka Saacadood ee fooda inagu soo haya safar ugu baxayo dhinaca gobollada bariga Somaliland gaar ahaan gobolka Sanaag.

 

Ilaa hadda ma cadda ujeeddada dhabta ah ee safarka Madaxweyne Siilaanyo xilligan ku tegayo gobolka Sanaag waxana laga yaabaa saacadaha innakusoo fool leh in la heli doono xaqiiqada safarkan kediska ah ee Madaxweyne Siilaanyo.