MADAXWEYNE ASQOOBAY!

0
829

Aniga iyo waftiga culus ee i weheliya !  waa ereyadii  Madaxweye Ex- silaanyo  oo hadda isku bedelay Afweyne assaasaqay  .  cida haddaba uu ku tilmaamayaa waftiga culus waa kuwee?  Waa Qoys guri kawa toosay oo ay ugu horeyso KHADIIJA MACALIN,  XIRSI ( Inkasta oo isaga sasabaad lagu gaxeeyey oo uuna la mabda ahayn), kayaree Tv ga ka hadla ee adeerka loo yahay iyo mid yaroo kale oo TEEBKA u garaaca oo lagu muuneeyey hawl-galka qoysku ay u jarmaadeen.  waa socdaalkii maalmihii ina dhaafay ay ku xaabsiga doonteen qoyska madaxtooyada ee illaa IRELAND ku jahaysan. Haddaba waxaa la yaab leh oo ah wax lagu qoslo marka uu magacyadaa isku qoyska ah uu ku tilmaamay AFWEYNE wafti culus.

Waxaan aad ula yaabanahay waxa shacabkii Somaliland ku habsaday ee ay waxaas oo kale uga damqan laayihiin. In badan Habeen iyo Maalin ba way ka dareen celiyaan inta kale ee hadhsan waxaan ku boorinayaa in fadhiga laga kaco.

Maxaa keenay haddaba in  xubnahaa Qoysku  safarkaa ku kaliyeystaan;  warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in safarkan kii ka horeeyey in la isku qabsaday lacagihii lasoo helay islamarkaan uu Cali Warancade ka faramaroojiyey laba milyan oo doolar qoyska madaxtooyada wakhtigii la maqnaa. Sidaadarteed, waxa ay hadda KHADIJA MACALIN soo jeedisay in qoyska mooyaane aanay cid kale raacin.waxaanay tidhi “  Inagaba inama dheera ee yaan cidkale ina raacin inaga isku wafti  culus ah , waxaan sidaa u leeyahay  labadii sanno ee u dambeeyey kharash badan ayaan galay  waxaa igu soo todoba baxay  dhowr boqol oo aroos oo aan mid walba aan todobaad madaxtooyada ku hayey  kharashkoogana aan qabay! Waan yaabay aniguye shicib-yahow ma yaabteen? Goor may Madaxtooyadii Qaranku isku bedeshay CROWN HOTEL iyo Meel aroosyadu kusoo todoba –baxaan! Nin ay isku qoys yihiin ayaa u tagay KHADIJA MACALIN maalin maalmaha ka mid ah markaasay ku tidhi”  walaahi Eddo baryahan Todoba baxyada Aroosyada ayaa aad noogu badan xaalkayaguna ma wanaagsana….!!!. bal adba…

Gabagabadii, waar fadhiga halaga kaco oo caailadan dugaaga ah dalka halaga xoreeyo, meeye Halgamayaasha saqda dhexe holaca usoo badheedhay 27 -31 may 1988. Burco iyo hargeysa……………………..?   waxaa la idinku qasbay inaad mar labaad dalka dib ugu xoraysaan oo aad ka xoraysaan AFWEYNE –ASAASAQAY IYO CAAILADAN ku wareegsan ee ku qadhaabanaysa …Duqan  bari horeba hawada ka baxay……… ee aan warba u hayn cida waftiga ku wehelisa ……….!!  Iyo xaga lagu jihaysan yahay toona ….!  Waxaa  dib u xoreynta  dalka manta idinla garab taagan hiil iyp hooba guud ahaan shacabka Somaliland Bari illaa galbeed iyo dhexba.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa /Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here