Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diraya Qoyska Sheekh Rashiid bin Mohamed bin Rashid Al Maktoum

0
624

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u  dirayaa Madaxweynaha iyo Shacbiga imaaraadka Carabta oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid Sheekh Rashiid bin Mohamed bin Rashid  Al Maktoum oo uu Madaxweyne ku-xigeenka dalka  Imaaraadka Carabta isla markaana ah xaakinka Dubai Sheekh  Mohamed bin Rashid  Al Maktoum uu dhalay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo shacabka iyo madaxda imaaraadka carabta gaar ahaana aabihiina uu samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.