Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diraya Ehelkii,Qaraabaddii Iyo Guud Ahaanba Shacabka Reer Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum Ciise Garaad Soofe Oo Ku Geeriyooday Dalka Denmark

0
778

Hargaysa:(Halsan)-Madaxweynaha  Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Cismaan Garaaf soofe oo walaalkood Marxuum Ciise Garaad Soofe uu ku geeriyooday Dalka Denmark, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa guud ahaan reer garaad soofe,

waxa kale oo uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa bahda dhaqanka Somaliland ee Garaadada, Ugaasyada, Boqorada, Salaadiinta, Cuqaasha isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay nin qaran oo ka baxay guud ahaan shacbiga somailand kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Reer garaad soofe, Garaadada, Ugaasyada, Boqorada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii Asxaabtii, uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.