Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Garsoorayaal Ka Hawl Galaya Maxkamada Ciidamada
Hargeysa(Halsan): Madaxweynaha somaliland muuse Biixi Cabdi ayaa garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaal cusub u magacaabay maxkamada ciidamada somaliland.
Madaxtooyada somaliland ayaanu ka soo bixin warsaxaafeedka lagu shaaciyey magacaabista cusub, balse warar ay Heshay Hadhwanaagnews ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi uu magacaabay xubnahan cusub.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa inta badan xilalkii ka qaaday garsoorayaashii iyo xeer ilaaliyayaashii ka hawl galayey maxkamada ciidamada, iyada uu haatan u magacaabay gudoomiyaha maxkamada ciidamada gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aadan (Aar).
Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada u magacaabay Gaashaanle dhexe Yaasiin Maxamed Cabdi.
L/Xidigle, Xasan Abiib Cumar, garsoore ka tiraan maxkamada Ciidamada