Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Casuumay Maxadka Nabada, Kulana La Yeeshay Hay’adda Horumarinta Iyo Maalgashiga Ireland DAAWO SAWIRO

0
639

Dublin(Halsan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wafdigii uu hoggaaminaayay oo booqasho rasmiya ku jooga dalka Ireland, ayaa lagu marti qaaday Maxadka Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka ee Dalka Ireland oo magaceedu yahay (Glencree Centre For Peace & Reconciliation). Madaxda Maxadkan Caalamiga ah Mudane William Devas iyo ku-xigeenkiisa Eamon Rafter iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha ku qaabilay xarunta Maxadka Nabada ee lagu casuumay, waxaana halkaas lagaga hadlay Horumarka Dhinaca Nabada ee ay Somaliland gaadhay, iyada oo si qoto dheer halkaas loogu xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Astaan muuqata oo lagu daydo u yahay Mandaqada Geeska Afrika, door Shariif ahna uu ka soo qaatay Nabadgelyada ka hano qaaday Dalka Somaliland. Wasiirka Wasaarada Arrimaha debada Mudane Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Saleebaan Ciise Xaglotoosiye ayaa iyagu tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Qaran Nabadiisa hoosta ka soo dhisay shacbigiisuna ay ku guulaysteen Dhismaha Qaran Nabdoon oo Dimuqraad ah.

dublin12 dublin11 dublin10 dublin1 dublin13 dublin7 dublin6 dublin5 dublin9 dublin4 dublin8 dublin3 dublin2 dublin17