Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Ethiopia

0
638

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Ethiopia

Hargaysa (Halsan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya afka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka shacbiga waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Ra’isal Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed Ali oo maanta si rasmi ah u noqday ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya, isla markaana hore loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee EPRDF.

 

 

Madaxweynuhu sidoo kale wuxu hambalyeynayaa dalka iyo shacbiga aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo uu inaga dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo salka ku haya deris wanaag, ganacsi iyo iskaashi nabadgalyo.

Waxa Hubaal ah in aynu wadaagno dalka Ethiopia taariikh ma guurto ah iyo saaxiibtinimo soo taxnayd wakhti dheer, waxaanu madaxweynuhu ku sifeeyey ra’isal wasaaraha cusub siyaasi ka sii amba qaadi kara halka uu taagan yahay wakhtigan dalka Ethiopia, wuxuuna u rajeeyey guul, horumar iyo inuu sii xoojiyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Ethiopia.

 

Madaxweynuhu wuxuu uga mahadnaqay ra’isal wasaarihii hore ee is casilay Hailemariam Desalegn, sidii fiicnayd ee uu u adkeeyey xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.