Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Silaanyo Oo Gaadhay Ciidamada Jiida Hore iyo Magaalada Laascaanood

0
638

Hargeysa(Halsan): -Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa safar aan la sii shaacin ku galaa bixiyay degaamada gobolka Sool. Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa ku maray fadhiisimada ciidanka qaranka ee jiida hore, halkaasi oo uu salaam kaga qaatay, soona indho-indheeyay xaalkooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo uu kulamo kula qaatay waxgaradka reer Sool. Madaxweynaha ayaa bulshada Sool u sheegay in xukumaddiisu u soo jeedsatay horumarinta gobolada bari oo hore uga dambeeyay gobolada galbeed ee Somaliland.
Madaxweynaha ayaa xadhiga ka jaray jid Laami ah oo xukumaddu ka hirgalisay Laascaanood, dhererkiisuna yahay 10Km. maadaama gobolkaasi dhinaca biyaha dhib ka haysto wuxuu Madaxweynuhu dhagax dhigay dhaam weyn oo halkaasi laga hirgalin doono.

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay ka ambabaxay Hargeysa ayaa socdaalkiisu lagu sheegay mid ku wajahan Ceerigaabo oo uu xadhiga kaga jarayo jidka Ceerigaabo iyo Burco isku xidha. Lama oga muddada uu ku maqnaan doono gobolada bari balse dadka siyaasadda Odorosa ayaa ku macneeyay safarkiisa mid indhaha bulshada lagaga jeedinayo muddo xileedka ka dhammaanaya Siilaanyo iyo muranka wakhtiga doorashada ka taagan.

Halsan Media
Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here