Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii Uu hoggaaminayey oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey Caasimada Ethiopia ee Addis Ababa + Sawirro

0
692

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii Uu hoggaaminayey oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey Caasimada Ethiopia ee  Addis Ababa + Sawirro

Addis Ababa (Halsan): – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, H.E. Mrs. Hirut Zemene, agaasimaha arrimaha dawladdaha deriska u qaabilsan Itoobiya, Ato Yibeltal iyo xubno kale oo katirsan dawladda federaalka Itoobiya.