Madaxweynaha Jsl Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Si Diiran Dalka Loogu Soo Dhaweeyey

0
295

Madaxweynaha Jsl Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Si Diiran Dalka Loogu Soo Dhaweeyey

Hargeysa:(Halsan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee safarka shaqo ugu maqnaa waddanka Maraykanka, ayaa maanta soo dhaweyn heer qaran ah  loogu sameeyey gudaha caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo maanta  kasoo degay madaarka Cigaal International Airport, ayaa waxa halkaas kaga hortegay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) xubno kamid ah shir-guddoonka golaha wakiillada, qaar kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyayaasha kala duwan ee ciidamada iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, waxana uu madaxweynuhu qaddar nasasho ah ku qaatay garoonka VIP-da ee madaarka.

Intaas kaddib, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu goob fagaare ah oo ku taalla afaafka garoonka Cigaal International Airport ku qaabilay kumanaan kamid ah shacabka caasimadda Hargeysa daafaheeda kala duwan ku dhaqan oo ku lebbisan calanka jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin guulaha ay madaxweynaha iyo weftigiisu kasoo hooyeen socdaalkii shaqo ee ay dalka maraykanka ku tageen iyo kulamadii midho dhalay ee ay la yeesheen saraakiishii kala duwanaa iyo diblomaasiyiinta ka tirsan dawladda Maraykanka.