Madaxwayne Muuse Biixi Oo Hada Xilal Cusub Magacaabay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-43/022018, uu ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Tir Magaca Xilka
1. Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka
- Mustafe Faarax Cali Aadan Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka
- Muuse Xasan Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada
- Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada
- Maxamed Cali Bille Guuleed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
- Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
- Maxamed Warsame Ducaale Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay
- Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal) Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
- Ayaanle Salaad Diiriye Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kiiniya
Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland