Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Maalmaha Soo Socda Safar Ugu Baxo Dalka Isku Tagga Imaaraadka

0
597

Hargeysa(Halsan): -Madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay maalmahana fooda inagu soo haya ay safar ku tagaan dalka isku tagga imaaraadka Carabta .
Waxaana safarkan uu Madaxwaynahu ugu amba baxayo dalka imaaraadka carabta uu ajandahiisu daaran yahay sida ay noo sheegeen ila wareedyo ka agdhaw inay kulamo lasoo qadaanayaan madaxda dalka imaaraadka isla markaana ay kala soo hadlayaa hirgalinta mashaariico badan oo ay dawlada Somaliland u balan qaadeen masuuliyiinta dalka isku tagga imaaradku .
Sidoo kalena waxa la filayaa inuu madaxwayne siilaanyo kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda ugu saraysa dalka isku tagga imaaraadka carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here