Madaxwaynaha Somaliland oo Masjid-jaamaca Hargeysa Kula Tukaday Salaada Ciidul Fidriga Shacabka Caasimadda

0
652

ciidciid4ciidHargeysa (Halsan) Madaxweynaha somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa kala qayb galay tukashada salaada ciida barakaysan ee Ciidal Fidriga.
Madaxweynaha somaliland oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golaha wasiirada, hogaanka xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin kale xukuumadisa ka tirsan ayaa shacabka caasimada kula tukaday masaajidka weyn ee Masjid Jaamaca magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha somaliland waxa uu u duceeyey guud ahaanba shacabka muslimiinta ah ee ku dhaqan daafaha caalamka, waxaanu ilaahay uga baryey shacabka somaliland inuu u sii adkeeyo wada jirka iyo horu marka waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Munaasibada ciida ilaahay waxaan ka baryeynaa dadka reer somaliland meel kasta
oo ay joogaan iyo dadka muslimiinta ahba inay caafimad ku ciidaan waxaanan leeyahay ciid mubaarak, waxaanan ilaahay ka baryeynaa meel aynu joognaba inuu caafimad qab, nabad galyo iyo wada jir ina siiyo.”

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaanan ilaahay ka baryeynaa inuu sanadkan sanadkiisa bash bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo, waxaanan ilaahay ka baryeynaa inuu dadkeena quluubtiisa isku soo jeediyo, waxaanan ilaahay ka baryaynaa inuu caalamka islaamka nabadqab is jacayl iyo wanaags siiyo, waxaanan ilaahay ka baryeynaa inuu horu marka dalkeena iyo wada jirkeena inoo xoojiyo.” Ayuu yidhi madaxweynaha somaliland somaliland mudane axmed maxamed maxamud siilaanyo mar uu maanta khudbad ka jeedinayay misijimaaca wayn ee hargeysa