Madaxwaynaha Somaliland Magacaabis Sameeyay
WAR-SAXAAFADEED: 21/04/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-83/042018 ku magacaabay masuuliyiintan hoos ku xusan:
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey,
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
- Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi Guddoomiyaha Baanka Dhexe
- Axmed Xasan Cabdi Carwo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe
- Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
- Cabdirashiid Cabdillaahi Hande Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Salal
- Cabdi Xuseen Cabdi Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada
Guddida Qandaraasyada Qaranka
- Nuux Maxamed Xuseen Aadan Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka
2.
Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi Bidhaan Guddoomiye Ku –xigeen Guddida Qandaraasyada Qaranka
- Cabdi Giire Jaamac Kadiye Xubin
- Maxamuud Aadan Maal Xubin
- Cabdi Faarax Ducaale Xubin
- Maxamed Diiriye Xayd Nuur (Dib-jir) Xubin
- Caasha Cabdillaahi Cilmi Xubin
- Maxamuud Axmed Xirsi Baar-cad Xubin
Masuuliyiinta aan xilalka ka qaadayna waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii shaqo, muddadii ay xilka Qaranka hayeen.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland