Hargeysa(Halsan):- Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo oo kamida golahiisa xukumadda ayaa la filayaa inay mardhaw u baxaan magaalada borama ee xarunta gobolka awdal.
wararka soo gaadhay xafiiska warqabadka shabakada Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in waftigan ka hor inta aanay gaadhin magaalada borama ay kormeer kusii mari doonaan deegaano badan oo kamida gobolka gabiley iyo borama kuwaasi oo sii indha indhayn doona xaalada nololeed ee ay ku nool dadkaas gurmadna gaadhsiin doona.
Ujeedada socdaalka madaxwaynaha ayaa waxa uu daaran yahay sidi uu kormeer ugu mari lahaa deegaanada gobolkada awdal ee ay abaarta baahsani ka jirto iyo waliba sidi uu usoo indha indhayn lahaa xaalada dad iyo duunyo ee ay ku sugan yihiin bulshadaasi.
Dhanka kalena madaxwaynaha ayaa la filayaa in qaybtiisa uu gurmad gaadhsiin doono dadkaasi ay abaartu xuni ku saamaysay deegaanada gobolka awdal isla markaana sababtay dhimashada dad iyo xooloba.