Madaxwaynaha Siilaanyo Oo La Dhex Fadhiisiyay Meeqaabkii Loogu Talagalay Maamul Goboleedada Somaliya Iyo Jabuuti Oo Mar Labaad Ku Gaftay Qaranimada Somaliland+Sawiro

0
682

Hargeysa(Halsan): -Iyada oo ay maanta ku beegnayd maalinta xaflada caleemo saarka madaxwaynaha dalka jabuuti mudane Ismaaciil CUmar Geele oo markii afaraad ku guulaystay jagada madaxwaynenimo ee dalka jabuuti ayaa waxay ka qabsoontay magalaada jabuuti.

Waxanaa munaasibadaasi caleemo saarka ah lagu soo casuumay badiba  madaxwaynayaasha somalida iyo qaar kamida madaxwaynayaasha Africa ayaa waxa munaasibadaasi caleemo saarka ah ka qayb galay madaxwayaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo .

Waxaana markii ay xafladu bilaabmatay madaxwaynayaasha loo kala sameyeye laba meeqaab ay kala fadhiistaan madaxwaynaha caalamiga ah iyo madaxwaynahaa maamul goboleedada Somaliland.

Waxaana masdaxwaynaha Somaliland markaliya la arkay isag aoo fadhiya meeqaabkii loogu talagalay madaxwaynayaasha maamul goboleedada Somaliland isaga oo si wayn uga dhex muuqaday.

Talaabadan ay qaaday dawlada jabuuti ayaa ah talaaboadii labaad ee ay qaado oo  wax wayn u dhimaysa qaranimada iyo jiritaanka jamhuuriyada Somaliland, balse waxa iyaduna wax lala yaabo ah in madaxwaynihii somalilnd uu aqbalo inuu l fadhiisto madaxwaynayaasha maamul goboleedada somaliya.

Arinkan ayaa waxa saacdahii u danbeyey bulshada Somaliland isla dhex qaaadaysay sababta madaxwayne siilaanyo ku kaliftay inuu fadhiisto meeqaamkii loogu tala galay maamul goboleedada Somaliland.

Labadan sawir ee hoos idinka muuqdaa waa labada sawir ee kala meeqamadi ay kala fadhiyeen madaxwaynayaashu iyaga oo madaxwaynayaashii caalamiga aha ay la fadhiyaan madaxwayanaha jabuuti.

siiloooo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here