Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden Oo Ku Dhawaaqay Miisaanad Dhan $6.8 Trillion

0
181

Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden Oo Ku Dhawaaqay Miisaanad Dhan $6.8 Trillion

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Khamiistii daaha ka rogay qorshaha kharashiyaadka dawladda ee sannadka 2024, kaas oo gaadhaya illaa $6.8 Trillion oo dollar, waxaana miisaaniyaddan cusub ku jira siyaasado kala duwan, sida in kor loo qaado cashuurta shirkadaha waaweyn iyo maalqabeenada.

Hase ahaatee xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ee mucaaradka ah, ayaa markiiba ka horyimi hindisaha miisaaniyadda ee madaxweynuhu soo bandhigay, iyaga oo sheegay inaanay ansixin doonin.

Madaxweyne Biden oo markale raadinaya in dib loo doorto ayaa ku baaqay in lacag dheeraad ah lagu bixiyo, iska caabbinta dhaqaalaha iyo milateriga Shiinaha, in lacag dheeraad ah lagu bixiyo daryeelka caafimaadka dadka yaryar iyo kuwa waaweyn, hawlaha waxbarashada iyo kor u qaadista shaqaalaha Hay’adda Ilaalinta Deegaanka Maraykanka.

Miisaaniyaddan ayaa u baahan inuu ansixiyo aqalka Congressku.

Aqalka wakiillada ee uu maamulo xisbiga Jamhuurigu ayaa ku baaqay in si weyn hoos loogu dhigo miisaaniyadda, si wax looga qabto, kharashiyaadka ay dawladdu gelayso, oo ay ugu horrayso miisaaniyadda cusub ee uu soo bandhigay Biden.

Warbixintan waxaa qoray Ken Bredemeier

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here