MADAXWAYNAHA DDSI OO XARUNTA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND.

0
573

MADAXWAYNAHA DDSI OO XARUNTA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND.

Hargeysa (Halsan ) :- Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Dhaqanka iyo Wacyigalinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) Oo socdaal ku jooga dalka itoobiya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mMadaxwaynaha Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar(Cagjar)

 

waxaa ay ka wada hadleen xidhiidhka iyo cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dawlad deegaanka sida amniga iyo ganacsiga.

Mustafe Muxumed Cagjar Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Somaliland ku amaanay horumarka iyo deganaanshiyaha geeska oo ay kaalinta hore kaga jirto, waxaanay labada dhinacba balan qaadeen sii xoojinta iyo wada shaqaynta labada dhinac.