Hargeysa(Halsan): -Madaxwaynaha cusub ee Somaliland Kornayl Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay masuul cusub
Masuulkan ayaa madaxwayne Muuse Bixii Cabdi waxa uu u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland,kaas oo loo magacaabay Cabdi Maxamed Rodol oo ah duuliye sare .
Waxaana war-saxaafadeedkii uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ku magacabay masuulkan ay u dhignay sida tan.
Xafiiska Madaxweynaha
Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: Wada-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.
Allaa Mahad Leh
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.