MADAXTOOYADDA SOMALILAND OO GANACSI GAADIIDKA RAAXADA AH KA BILOWDAY DEKEDDA MAGAALADA BERBERA

0
606

Berbera(Halsan):–Warar Wargeyska Yool uu ka helay ilo u dhuundaloola Dekedda Berbera ayaa tibaaxay inay todobaadyadan uu soo gaadhay Magaalada Berbera Markab siday shixnad gaadiid ah oo ah nooca loo yaqaano Toyota LandCruiser V8, kuwaasoo Wararka qaar lahaansha gaadiidkan ku xidhiidhiyeen Madaxtooyadda, halka kuwo kalena sheegeyaan in baaburtani tahay kuwo ay gaar u leeyihiin xubno ka tirsan qoyska Madaxtooyadda. Ma jiro war si dhab ah lahaanshaha gaadiidkan ugu xidhiidhinaaya laba dhinac.

Hase-yeeshee xoggaha gaadiidkan la xidhiidha, waxa ay xuseen in Baabuurtan oo ah nooca raaxadda tiradoodu dhan tahay 50 Gaadhi oo ah nooca loo yaqaano Toyota LandCruiser V8, isla markaana uu sida Markab lagu magacaabo MV Ruby, oo ah nooca Koontiinarada xambaara, waxa kale oo wararku intaa raaciyeen in Baabuurtan oo hadda ku xareysan mid kamid ah Barxadaha Dekeddu leedahay ee dibeda ku yaala, ayaa la filaya sida xoggaha lagu sheegay inuu Dekedda ka saari doono Nin ganacsade ah, oo Madaxtooyaddu u wakiilatay si aan loogu nisbayd lahaanshahooda Madaxtooyadda.

Sidoo kale, waxa wararka intaa raaciyeen in gaadiidkan uu Dekedda kaga soo bixi doono Cashuur dhaaf, maadaama oo laga leeyahay qasriga dalka looga arrimiyo. Geesta kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadiidkani yahay mid loogu talo galay in looga faa’ideysto hawlo gaanacsi, oo si toosa iskugu xidhay sayladaha gaadiidka ee Jaban iyo Dekedda Berbera, waxana sida xoggaha lagu sheegay arrintani qayb ka tahay qorshe Waakaladeed ama Wakiilnimo oo si toos ah xubno kamid ah qoyska Madaxtooyaddu uga soo qaateen Jaban.

Docda kale, wararku waxa ay intaa ku dareen in shixnadan Toyota Landcruiser V8 ee hadda  soo gaadhay Magaalada Berbera ay ka horreeyen gaadiid sidan oo kale kolonyo u ah, kuwaasoo sida la sheegay lagu Iibiyey gudaha Dekedda Berbera.

Source Yool