Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadashay Sobabta Madaxwaynuhu Uga Qaybgali Waayay Xaflada Qalin-jabinta Jaamacada Burco,
“Waxa Aanu Ardayda Iyo Waalidiinta u Cadaynayaa haba-yaraatee In Aanay Jirin Cid Madaxweynaha Soo Gaadhsiisay Marti-qaadka Xafladda Qalin-jebinta Jaamacadda Burco” Afhyeenka Madaxtooyada Jsl
Hargaysa(W,N) War-saxaafadeed kasoo Baxay qarsiga Madaxtooyada somaliland islamarkaana uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxwaynaha somaliland ayaa faah faahin laga bixiyay sobobta madaxwayne muuse biixi uga qaybgali waayay xaflada qalin jabinta Ardayda Jaamacada Burco.
Sidoo kale Warsaxfaadeedka ayaa madaxwaynaha somaliland dhambaal hambalyo ah ugu diray ardayda ka qalin jabisay jaamacada burco iyo Waalidiintoodaba.
Halkan ka akhri warsaxaafadeed oo dhamaystiran;
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u dirayaa Ardayda ka qalin-jebiyey Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer maanta oo ay taariikhdu ahayd 06-09-2018, oo ahayd dufcadii siddeedaad ee loo qabto munaasibadda qalin-jebinta.
Hambalyadaa ka dib waxa aan Ardayda iyo waalidiinta u cadaynayaa haba-yaraatee in aanay jirin cid madaxweynaha soo gaadhsiisay marti-qaadka Xafladda qalin-jebinta Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer, sidaa awgeed waxaan u sheegayaa cid kasta oo filaysay inuu madaxweynuhu kala qayb-galo munaasibadda qalin-jebinta Ardaydaasi in aan madaxweynaha la soo gaadhsiin marti-qaadkii qalin-jebinta Jaamacadda Burco oo masuuliyada marti-qaadku saarnayd maamulka jaamacadaas.
Marti-qaadyada Jaamacaddaha dalku u fidiyaan madaxweynaha ee ka qayb galka munaasibadahooda waxa lagu wargeliyaa maalmo ka hor Waxaana masuuliyada qaladkaasi dusha ka saaran yahay maamulka jaamacadda Burco oo aan iyagu marti-qaadka munaasibada aan soo gaadhsiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, ee ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta jaamacadda Burco, wuxuu safar u gaara oo la xidhiidha shaqadiisa ku marayey gobolada bariga Somaliland.
Ugu danbayn waxa madaxweynuhu ardaydaas qalin jebisay u rajaynayaa inaay noqdaan kuwii dalkooda diintooda iyo dadkooda ku anfaca cilmigaa ay barteen.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.