Madaxtooyada Oo Ka Jawaabtay Baaqa Mucaaradka Ee Ah In Madaxweyne Siilaanyo Heshiiskii Xisbiyada Hirgaliyo 20 July Ka Hor

0
791

Hargeysa(Halsan) :-Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland  Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa si adag uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay axsaabta mucaaridka ah, kuwaasi oo bayaan ay soo saareen dhawaan ku sheegay in  aanay aqoonsanayn  xukuumadda talada haysa haddii aanu madaxweynuhu dhaqan gelin heshiiskii xisbiyadda  marka la gaadho 27 bishan July oo ku beegan markii xilka loo dhaariyey Madaxweyne Siilaanyo.

 

“Xisbiyadda mucaaridka ahi haddii ay mawqif soo saaraan, waxaa ka weyn  mawqifka qaranka Somaliland. cid qarankani shaashaysa iyo qofaf hadlaana qaranka  waxba yeeli maayaan. Maanta qaranka Somaliland maalin ay qofaf  hadlaa wax yeeli karaan wuu dhaafay. Qaranimadda Somaliland waxaa ilaashanaya shacabka Somaliland, waxaana uga wakiil ah xukuumadda manta joogta, ee uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyadaa waajibaad u haysata, iyadaa midnimadda ummadda ilaalinaysa, iyadaa nabadgeliyadda iyo jiritaanka qaranka ilaalinaysa, oo ka wakil ah,” ayuu wargeyska dawladda u sheegay Mr Dhuxul.

 

Afhayeenka Madaxtooyada oo sii hadlaya waxa uu shacabka u soo jeediyay inaanay mucaaradka dhegaysan “Shacabka Somaliland waxaan leeyahay, dhegaha ha u raaricinina hadaladaasi gefafka ah ee ka  soo yeedhaya kuwa aan u tudhaynin shacabka reer Somaliland. Shacabka Somaliland waxay doorteen,  oo ay masiirkooda asiibeen, markii ay doorteen Siilaanyo, doorashadii madaxweyne Siilaanyo waxay u ahayd shacabka Somaliland fursad  u siisay in uu haybada  qaranku kor u kaco.”

 

Mudane Dhuxul Wuxuu ku dooday inaanay hadalada mucaaradku saamayn yeelan doonin  “Markaa cid aan xilba loo igman, oo aanay ummaddu xil ku ogayn, ashkhaas kooban erayo ay yidhaahdaan,  ama mucaarid ha noqdaan, ama  acid kale oo mucaaridk isku sheeg ahi ha yidhaahdaane, qarankani waxba ka qaadi maayaan. Somaliland aragti ayay leedahay, aragtidaasi ay xukuumadu ku hogaaminaysaana waxa weeyi,   dalkani in uu nabad noqdo, jiritaankiisa iyo rabitaanka ummaduna in uu meel maro, in shacabka Somaliland meel kastaba ha joogaane, erayga qaranimadda sharaftiisa iyo sumcadiisa iyo qaranimadiisa waxaa ilaaliya, xukuumadda loo igmaday.”

 

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inaanay Beesha caalamku saamayn ku yeelan doonin murannadan siyaasadeed ee Somaliland ka jira. Waxa uu sheegay in beesha caalamkuk Somaliland caawiso balse taladeedu shacabka iyo xukumadda ka go’do.

Hadalka Afhayeenka Madaxtooyada ayaa imanaya maalmo uun ka dib markii Labada xisbi mucaarad soo saareen bayaan ay ku sheegeen inay heshiis ku yihiin sidii Madaxweyne Siilaanyo u dhaqan galin lahaa heshiiskii asxaabta iyo xukumadda ka hor 20-ka bishan, haddii intaas la hirgalin doonana mucaaradku talo ka yeelan doono 21-ka bishan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here