Madaxii Shirkadda DP World Ee Boosaaso Oo La Toogtay
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso waxay sheegayaan in goordhaw halkaasi lagu dilay madaxii shirkadda DP World ee qeybta magaladaasi.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabaa Paul Anthony Fermosa waxaa uu hayay maamulka shirkadda ee ku howlaneyd dhisidda dekedda magaalada Boosaaso.
wararka soo baxaya waxay sheegayaan in la toogtay mas’uulka.
Guddoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay dilka Paul Anthony Fermosa oo saaka lagu toogtay magaalada Boosaaso.
Shirkadda DP ayaa maamushaa dekedaha Boosaaso iyo Berbera.
BBC