MADAX-DHAQAMEED KA SOCDA BUUHOODLE IYO LAASCAANOOD OO LA FILAYO IN AY HARGEYSA YIMAADAAN IYO UJEEDADA SOCDAALKOODA OO XOGO KASOO BAXAYAAN

0
713

Hargeysa( Halsan ):- Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in la filayo in ay magaalada Hargeysa ay yimaadan dhawaan madax-dhaqameed Tiro badan oo ka socda gobolada Buuhoodle iyo Sool.

Madax-dhaqameedkan tirada badan oo naloo sheegay inay kusoo jihaysan yihiin magaalada Hargeysa ayaa si rasmi ah loo garanayn ujeedada socdaalkooda balse xogo aan helayno ayaa waxay noo sheegayaan in ay u imanayaan hawlo la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa nabad waartana looga dhalin lahaa deegaanada gobolada Buuhoodle iyo Sool oo ay kusoo noqnoqdaan xaalado colaadeed iyo waliba sidii ay xukuumadda Somaliland ugala hadli lahaayeen nabadaynta labada Beelood oo walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanada Koonfurta  gobolka Sool kuwaas oo ilaa hadda lagu jiro nabadayntooda.

Sidoo kalena xogahan ayaa noo sheegaya in madax-dhaqameedkan uu soo dirayo horjoogaha Kooxda Khaatumo Pro Cali Khaliif Galaydh iyada oo xukuumadda Somaliland-na ay marti qaadka u fidisay madax-dhaqameedkan,waxaana la filayaa in maalmaha soo socda yimaadaan Hargeysa wallow aan si rasmi ah naloogu xaqiijin wakhtiga rasmiga ah ee ay imanayaan madax-dhaqameedkan tirada badani.

Gabagabadiina imaanshiyaha madax-dhaqameedkan ka kala socda gobolada Sool iyo Buuhoodle ayaa kusoo beegmaya wakhti ay dhawaan dalka Jabuuti wada hadalo ugu soo dhamaadeen dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo,waxaana wada hadaladaasi kasoo baxay qodobo dhawr ah oo uu kamid ahaa in si wada jir ah looga wada shaqeeyo nabadaynta gobolada Bariga Somaliland,waxaana loo ballamay kulamo kale.

 

Source: Gabileynewsonline