MAAYOR KU XIGEENKA DEGMADA BALI-GUBADLE OO BEENIYEY IN KHILAAF KA DHEX JIRO GOLAHA DEEGAANKA BALI-GUBADLE‏

0
782

Bali-gubadle(Halsan):-Maayor ku xigeenka Degmada Bali-gubadle Ahna ku simaha Maayorka Mowliid jaamac yuusuf ayaa waxba kama jiraan ku tilaamay warar ay maalmihii u dambeeyey ay baahinayeen Warbaahinta qaarkeed kaasi oo sheegayay in khilaaf ka dhexeeyo maayorka iyo mayor ku xigeenka Degmada Bali-gubadle iyo sidoo kale Golaha Deegaanka Baligubadle.

 

Maayor ku xigeenka Degmada Bali-gubadle Mowliid jaamac yuusuf  oo maanta warbaahinta Dowlada ugu waramay xafiiskiisa magaalada Bali-gubadle ayaa waxaa uu warkaasi ku tilmaamay mid ayna waxba ka jirin oo aan sal iyo raadtoona lahayn isagoo warbaahinta Madaxbananaan ugu baaqay inay iska hubsadaan wararka ay Bulshada u gudbinayaan

 

Geesta kale Maayor ku xigeenka Degmada Bali-gubadle Ahna ku simaha Maayorka Mowliid jaamac uusuf waxaa uu fariin u direy Bulshada ku dhaqan magaalada Bali-gubadle isagoo u soo jeediyey inay qashinka iska nadiifiyaan maadaama oo la galey wakhti roobaadkii.