MAAYARKA GABILEY OO KU DHIIRADEY GEESINIMO TAARIIKHDA U GASHEY, XUKUUMADANA KU GANEY, RUN AAN KA GABASHO LAHAYN.

0
622

MAAYARKA GABILEY OO KU DHIIRADEY GEESINIMO TAARIIKHDA U GASHEY, XUKUUMADANA KU GANEY, RUN AAN KA GABASHO LAHAYN.

 

Maayarka Gabiley Oo Ku DHiiradey Geesinimo Taariikhda U Gashey, Xukuumadana Ku Ganey, Run Aan Ka Gabasho Lahayn.

Umada Reer Gabiley Ayaa Maalmahan Danbe Aad U Falanqeynasey Geesinimada Maayar Maxamed-Aamiinka Gabiley Oo La Soo Toosey Dhiiranaan Iyo Dhugashada Shacabkiisa Taabaaleysan Taasoo Uu Ku Dabaqayo Ka Jawaabida Baahiyahooda, Todobaadadan Danbe Waxa Magaalada Gabiley Soo Food-Saartey Biyo La,Aan Baahsan Oo Si Mug Leh U Taabatey

Mujtamaca Reer Gabiley, Hadaba Ka Dib Tabashooyin Iyo Dhawaaqyo Cabasho Oo Ka Soo Yeedhay Bulsho Weynta Reer Gabiley Ayaa Waxa Si Kalsooni Iyo Fariidnimo Ku Dheehan Tahay Uga Jawaabey Maayerka Magaalada Gabiley Mudane Maxamed-Aamiin Cumar Cabdi (Aamiin-Af-Wanaag), Maadaama Ay Dawlada Hoose Ee Gabiley Ay Gacanta Ku Hayso Maamulka Iyo Masuuliyada Biyaha Gobalka Gabiley Oo Isha Botor La Yidhaahdo Sida Miiga Uga Soo Burqada. Aan Fiirino Maayar Aamiin-Af-Wanaag Siduu Arinkan U Qaaraa Dhigey Isagoo Marey Wado Aaney Waligood Marin Maayarada Qayrkii Ahi, Taasi Oo Uu Ku Kasbadey Culeys Iyo In Ay Bulshadu U Riyaaqdo Isla Markaana Ay U Arkeen

Mudanihii Kaliyee Golaha Degaanka Gabiley Ku Jirey, Waayo Halyey Maayar Aamiin-Af-Wanaag Waxa Uu Bulshadiisa U Daarey Meel Ka Damsaneyd Taasi Oo Ah In Aaney Xukuumada Tootali Aaney Dayac-Tirin Mudo Siddeed Sanadood Ah Ceelasha Biyaha Ee Magaalada Gabiley Laga Waraabiyo Kuwaasoo Ku Yaala Deegaanka Botor, Waxa Uu Xusey Maayarku In Daryeel La,Aanta Ceelashu Ay Run Ahaantii Sababtey Biyo Yarida Magaalada Iyo Guud Ahaan Gobalka, Waayo Dawlada Somaliland Iyo Xukuumadeedu Yagaa Ku Wareejiyey Ganacsadayaal Shiciba Oo Shilinkooda Ka Duulaya Oon Bulshiyo Baw Toona Aan U Damqanayn, Fasiraada Arinkaasi Uu Badheedhaha Ka Dhiibtey Maayar Aamiin-Af-Wanaag Ayaa Bulshada Wax Badan Dareensiiyey. Hadaba Daayacaada Xukuumada Ayaa Ku Soo Beegmeysa Xili Adag Oo Nolol Iyo Waayoba Ay Meel Xun Marayaan, Xukuumadaa Uu Maraga Ku Furey Mudanaha Magaalada Ka Duqa Ahi Aamiin-Af-Wanaag Ayaa Dooneysa In Ay Bulshada Reer Gabiley Ay Sidaa Cod Kaga Hesho, Suurtogalna Ma,Aha In Xukuumadaa

Maayerkii Uu Afkiisa Nooga Bayaamiyey Ay Cod Magaalada Ka Sii Sido, Dhanka Kale Haddii Ay Xukuumadu Daneynaso Dadkeeda Olole Lamey Dul Timaadeen Yadoo La Haraadan Yahay Oo Bulshadii Bakhtigu U Xalaal Yahay, Marka La Qiyaasayo Soo Dhaweyntii Ugu Danbeysey Ee Muuse Biixi Cabdi Waxa Ku Baxdey Ku Dhwaad 38,000,000 Oo Lacag Ah Haddii La Sarifana Waa 47,000$, Waxa Laga Yabaa In Haddii Xadigan Xisaabta Ah La Galiyo Dayactirka Ceelasha In Maanta La Haqab Bixilahaa Biyo La,Aan. Markaa Halkaasi Waxa Bulsho Weynta Uga Cadaatey In Aan Dan Iyo Dunqaarotoona Laga Lahayn Balse Coduun Loo Meeraysanayo Waxa Yaree Loo Qabteyna Khasab Loogu Qabtey,

Waxase Ku Dayasho Mudan Oo Shamac Dhalaalaya Noqdey Maayarkii Gabiley Oo Umadiisii Runta U Sheegay Isagoo Farta Ku Fiiqey Qodobadii Loo Baahnaa, Waxaanu U Jeedinaynaa Maayarada Kale Ee Dalku Iney Ku Daydaan Mayaarka Gabiley Amiin-Af-Wanaag Oo Isagu Shaaca Ka Qaadey Waxan Laga Yara Baqdo Ee Kacaanka Dawladnimadu Leeyahay, Waxaanan Kaga Baxayaa Waa Geesi Taariikhdu Qori Doonto Oo Suntan Sumada Wanaaga Iyo Saafi Ka Dhigida Arimaha Siloon Waayo Waakaa Afkiisa Ugu Badheedhey In Aaney Xukuumadu Dayactirin Mudo Sideed Sanadooda Ceelasha Biyaha Ee Gabiley.

 

Source: Gabileynewsonline

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here