MAAYARKA GABILEY OO JEEBKA UGALAY BADHASAABKA GOBOLKA OO KHIBRAD MAAKHIRNIMO U ADEEGSADAY IYO WAXQABADKII DAWLADA HOOSE EE DAYN DHAAFI WAAYAY.

0
626

Gabiley(Halsan):-Maayarka Degmada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi ayaa Waxqabkiisii ugu Balaadhnaa noqday inuu Baad iyo laaluush ku naasnuujiyo Badhasaabka Gabiley oo uu galay Jeebkiisa waxaanu Muddo Sannad ku dhaw kaga jawaabaa mar walba oo la waydiiyo waxqabadkiisa in uu ku jawaabo waxaan bixiyay Dayn lagu lahaa Dawlada Hoose ee Degmada, halka maayaradii ka horeeyay isku dhex wadi jireen daymaha ay la wareegaan iyo waxqabadka Bulshada.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa khibrad Maakhirimo maskaxada kaga qabsaday qaar ka mid ah maayarada Gobolka oo uu ugu horeeyo maayar maxamed amiin oo dadka reer Gabiley aad ugu hanwaynaayeen, Balse waxqabadkiisii noqday laaluushka Badhasaabka cabashadiisuna dhaafi laadahay Dayn baan bixiyaa.

Badhasaabka Gabiley ayaa Gobolka ka Bilaabay Dhul Boob balaadhan oo uu ku Sharciyaysanayo Dhulka danta guud ah oo uu kaga faa,iidaysano Xilka uu hayo isaga oo umaraya Maayarada degmada Gabiley iyo Wajaale.

Maayar Maxamed Amiin oo ahaa Wiil da,yar oo wadaad ah isla markaana xogogaal u ahaa hawlaha Degmada  ayaa la filayay in aanu Cid gaar  ah udeegin isl a markaana maskax caafimaad qabta ku Hogaamin doono Golaha Deegaanka iyo Horumarka Degmada, Balse waa nasiib darro in aanu illaa hadda qaadin dariiq cad oo hogaamineed oo horumar gaadhsiin kara gobolka balse Caado ka dhigtay inuu ka Amar qaato Badhasaabka Gabiley kuna hadla waxa uu uyeedhiyo.

Dawlada Hoose iyo Wasaarada Dalka oo dhan ayaa isku Wareejiyo Daymo farabadan marka ay xilka la kala wareegayaan balse ma jirto cid waxqabadkeeda u xakamaysa muddo sanad ah dayn bixin aan jirin, isaga oo daaha saaraya Awood maamul oo si khaldan uga faa,iidaysata Mansabkaaga oo dhaliili ka jirto.

Degmada Gabiley oo ka mid ah Degmooyinka ugu Dakhliga badan dalka ayaa Noqotay Magaalo  ninkii yimaadaaba ku danaysto isla markaana Dantii Guud ka horumariyo ta gaar ahaaneed, waxaana nasiib darro ah in Maayar la doortay isu haysto in Badhasaab la soo magacaabay maamulo, waana wax dadka reer gabiley si wayn isku waydiinayaan waxa ku dhacay maayarkoodii.

Source: Gabileynewsoneline