Maayarka Gabiley oo Cambaar Ku Noqday Sharaftii iyo Karaamadii Gobolka Cagaaran.
Sanad Waliba Saamaytiisuu leeyahay, Sanadkan aynu Sii Sagaatinayno Waxa uu si fiican isku baray Somaliland iyo Siyaasiyiinteeda, waxaanu kala Saaray Shaqsiyaadka Wadaniyada iyo Somaliland-nimadu ka Dhabka tahay,iyada oo ay Soo Ifbaxeen Shaqsiyaadka Salaanka Siyaasada ka Siibtay la magac baxay (Kursi Ku Taajir) kuwaasi oo Amaanadii loo Dhiibay Si Shaqsi ah uga Faa,iidaystay kana Samaystey Hanti Gaar ah oo Dhaawacday Qaranimadii iyo Taabagalintii Habsami usocodka Shaqo ee Xukuumada.
Magaalada Gabiley oo ka mid ah Ilaha Dhaqaalaha Somaliland ayaa ka mid ah Meelaha Sida wayn loo Musuqmaasuqay isla markaana Dad gaar ahi ka Faa,iidaysteen Dakhligeedii, iyada oo indhaha Dadwaynahana Lagu jeediyey Qabyaalad iyo Laaluush lagu Naasnuujiyo Af-miishaarada laga Cabsi qabo inay Warbaahinta la hadlaan.
Maayarka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi ayaa Gobolka Ku Noqday Cambaar ku Taala Sumcadiisa, karaamadiisa iyo Sharaftii lagu yaqaanay, isaga oo kusoo kordhiyey Dhacdooyin ugub ku ah Saaxada isla markaana Magaca ka Dilaya Dadkiisa, gaar ahaan Wakhtiyadii Olalaha Lagu jiray.
Hantida Ma guurta ah ee Gobolku Waa Danguud oo Dhaxal u ah Dhalaanka Dhabarka ku jira, Waana mid looga Faa,iidaysan karo Mustaqbal Fog oo Qayb ka noqon kara Horumar ku dhisan Qori isku dhiib Maamul, balse waxaad Moodaa in Masuulka Xilka hayaa Ajaanib ku yahay Gobolka oo aanu dib ugu soo noqon doonin, Wax waji ahna aanu ka lahayn shacabka Hantidoodii Hadiyada uu ubixinayo.
Maayar Amiin waxa uu Hadiyad u Bixiyey Dhulkii ugu Badnaa ee Dan Guud ah ee Gobolku lahaa, waxa ugu Danbeeyey 100-kii baloodh ee Qoyska madaxwayne Siilaanyo uu Ku Gudoonsiiyey Garoonka Mo Farah balse Madaxwaynuhu ka Diiday uguna Baaqay inuu Cusbitaalka ku caawiyo oo aanu iskugu Dhul uga Baahnayn, iyo Sidoo kale Garoonkii hore ee Kubadda ee uu Dhagax dhigay Alle ha unaxariistee Maayar Axmed-Samir kaasi oo uu U raray Beer adeerkii ku lahaa dhinaca Woqooyi Galbeed ee Magaalada (Saarrey), Waxa Kale Mudan in la Xuso Jidkii woqooyiga ka xigay Dugsiga Sh.Muxumed Warsame oo iibiyey isla markaana Xidhmay.
Duruufaha Qalafsan ee Qofku Kusoo koraa Marka uu yaryahay waxay Daawo ka noqdaan Caqabadaha Nolosha ku Gadaaman Balse ninkii Alle garansiiyo ayaa Toobiyaha Toosan qaadan Taariikhna uga Taga Dadkiisa, Masuulkan Dhalinyarada ah ee Nasiibka u Helay Hogaanimta Golaha Deegaanka Gabiley waxa uu noqday Shaqsi aan lahayn Han, Hiigsi iyo Hirasho Mustaqbal, Waxaanu ka Doorbiday Karaamadiisii Hanti Urursi iyo Hadiyadaha Haweenkii Madaxtooyada Xukuumada Siilaanyo ka Talin jiray oo Maanta kaga Tagay Dayntii ugu Badnayd oo gaadhsiiyey Heer uu awoodi Waayo Mushaharka Shaqaalaha.
Haweenay Reer Gabiley ayaa Markii ay ka yaabtay Yarku sida uu Wax uwado waxay Tidhi :-
“Ha igu noqon sidii
Maayarkii Gabileyee
Margiyada ka Naaxee
Macaluushii haysiyo
Masaariif la,aantii
Maatidiyo Agoontii
Maalkooda Cunijiray
Ku ilaaway maalmee
Xilka meherad Moodee
Mar qudhuun ka taajiray
Cashuurtii Miskiinkiyo
Mushaharkii Shaqaalaha”
Gobolka Waxaa Dagan Dadbadan oo Aqoon leh oo u haraadan Hogaamiye Jiheeya, Talo waydiiya, Tilmaamohoodana ka Faa,iidaysta, Balse Maxamed-Amiin Waxa uu God ku Riday Rajadii Dhalinyarada, Waxaanu Cambaar ku Noqday Sharaftii Gobolkani lahaa oo Dhaawacyo Kaftanka lagaga Helo Soo Gaadhsiiyey iyada oo Tusaale ay ugu Filantahay Roogii casaa Reer Oodeweyne u Dhigeen Murashixii uu Taageeyey Doorashadii Somaliland halka isagu kii kasoo Horjeeday uu Calankiisa Ey u Xidhay Lacagna ku Bixiyey in lagu Mudaharaado, Taasi oo Dhaawacday Wada lahaanshihii Dalka.
Maxamed Maandhaye
Maandhaye@hotmail.com